sheeko Gaaban

Qaybta 3: Cigaal iyo Booliska

Maalin kale ayuu go’aansaday inuu isticmaalo taleefankiisa si uu lacag u diro. Wiil uu garanayo oo ku nool Baydhabo ayuu doonayay inuu u diro lacag.
Wuxuu galay app la yiraahdo “EVC Plus.”
Hase yeeshee, halkii uu lacag dirilaha ahaa, wuxuu riixay “Request Money.”

Wiilka Baydhabo joogay ayaa arkay fariin:
“Cigaal Shidaad wants 500,000 so.”
Wiilkii wuxuu u maleeyay in adeerkiis uu dhiban yahay, markaasna wuxuu u soo diray lacagta!

Markii Cigaal arkay lacagtii oo soo gashay, wuxuu yiri:
“Alla yaa mahad leh! Tani waa lacag diriskii ugu fudud ee noloshayda. Talo iyo taako toona ma bixin!”
Laakiin maalintii xigtay, boolis ayaa yimid isagoo leh:
“Adiga ma adigaa Cigaal Shidaad? Waxaa naloo sheegay inaad lacag dad ka qaadatay.”

Cigaal qosol ayuu la dhacay:
“Waar anigu lacag ma qaadin, telefoonka ayaa isii diray! Wuxuu i yiri, ‘ma rabtaa lacag?’ Aniguna waan aqbalay.”
Booliskii ayaa qoslay, wuxuuna yiri:
“Waa nin xikmad badan, laakiin telefoonka ma yaqaan.”
Qaybta 4: Xikmaddii Cigaal

Markii arrinta la xaliyay, waxaa la baray sida taleefanka loo isticmaalo.
Muddo kadib, Cigaal wuxuu noqday nin dadka kale u baro sida internet-ka iyo lacagta dijitaalka ah loo isticmaalo.
Mar ayaa wariye wareystay isagoo weydiiyay:
“Cigaalow, sidee ayaad u baratay tignoolajiyada cusub?”
Cigaal wuxuu ku jawaabay:
“Anigu waxba ma baran, laakiin waxaan ogaaday in caqligu yahay sidii battery — haddii aadan ku dallacin aqoon, wuu kaa dhammaanayaa.”
Wuxuu raaciyey:
“Marka, qofka maanta aan wax baran, waa sidii nin telefoonkiisa ‘offline’ ah.”
Wariyihii qoslay, wuxuuna yiri:
“Waa run, adeer Cigaal.”

Lasoco qeybta 6: ee sheekadii cigaal shidaad


Comments

Popular posts from this blog

E-Commerce

DIGITAL PRODUCTS

Sheeko Gaaban