sheeko Gaaban
Qaybta 3: Cigaal iyo Booliska Maalin kale ayuu go’aansaday inuu isticmaalo taleefankiisa si uu lacag u diro. Wiil uu garanayo oo ku nool Baydhabo ayuu doonayay inuu u diro lacag. Wuxuu galay app la yiraahdo “EVC Plus.” Hase yeeshee, halkii uu lacag dirilaha ahaa, wuxuu riixay “Request Money.” Wiilka Baydhabo joogay ayaa arkay fariin: “Cigaal Shidaad wants 500,000 so.” Wiilkii wuxuu u maleeyay in adeerkiis uu dhiban yahay, markaasna wuxuu u soo diray lacagta! Markii Cigaal arkay lacagtii oo soo gashay, wuxuu yiri: “Alla yaa mahad leh! Tani waa lacag diriskii ugu fudud ee noloshayda. Talo iyo taako toona ma bixin!” Laakiin maalintii xigtay, boolis ayaa yimid isagoo leh: “Adiga ma adigaa Cigaal Shidaad? Waxaa naloo sheegay inaad lacag dad ka qaadatay.” Cigaal qosol ayuu la dhacay: “Waar anigu lacag ma qaadin, telefoonka ayaa isii diray! Wuxuu i yiri, ‘ma rabtaa lacag?’ Aniguna waan aqbalay.” Booliskii ayaa qoslay, wuxuuna yiri: “Waa nin xikmad badan, laakiin telefoonka ma yaqaan.” Qaybta ...